Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Odawaa oo kormeer ku tegay xerada Har-qaboobe ee Guriceel

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta komeer ku tagay ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel kuwaasi oo loo tababarayo dagaalka ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageystay saraakiisha dugsiga, waxaana ka mid ahaa taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga ee Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankaan lagu diyaarinayay sidoo kale sheegay in haatan ay diyaar uyihiin qabshada waajibkaadka la saaray ee dalka.

Taliyaha ciidanka  xoogga Generaal  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta dalka  iyo u adeegida shacabkooda .

“Dhammaan hogaanada,saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujiseen karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this