Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad ciidamada KENYA iyo Al-Shabaab ku dhex-maray gudaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimadda Online) – Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxaa laga soo sheegayaa in dagaal uu halkaas ku dhexmaray ciidamada ammaanka Kenya iyo xoogagga Al-Shabaab, kadin qarax halkaas ka dhacay.

Nick Ndalana oo ah taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay iney dagaal kula galeen Al-Shabaab ismaamulka Gaarisa.

Warbaahinta Kenya ayaa qirtay in qarax dhulka lagu aasay lala eegtay gaari ay wateen ciidamada amaanka dowladda Kenya, walow ay sheegeen ineysan waxba gaarin, kadibna wxaaa xigay iska horimaad dhacay.

“Ciidmada waxey heleen macluumaad ku saabsan in kooxda ay halkaas joogaan, waxey ku jireen roondo, rasaas ayey kusoo fureen ciidanka markii ay ogaadeen in gaariga ka badbaaday qaraxa,” ayuu yiri taliyaha booliska.

Taliyaha Booliska wuxuu sheegay ineysan soo gaarin khasaare nafeed, walow dadka deegaanka ay ka dhawaajiyeen iney waxyeelo ku arkeen gaariga ay wateen ciidamada oo sida la aaminsan yahay ay haleeshay rasaastii la is weydaarsaday.

Daily Nation oo warkaan daabacday waxey sheegtay in weerarkaas uu ka dhacay wadada isku xirta deegaanada Burta east iyo Garissa.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor-imaadkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this