Deeq A. Posted May 19, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay deegaanka Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku wada sugan halkaasi. Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana goobaha lagu diriray gaaray mas’uuliyiin ka tegay Gaalkacyo oo ka kala tirsan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntlnad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites