Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta dib uga qarxay deegaanka Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku wada sugan halkaasi.

Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana goobaha lagu diriray gaaray mas’uuliyiin ka tegay Gaalkacyo oo ka kala tirsan maamullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntlnad.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this