Deeq A. Posted May 19, 2020 Tartan aqooneedka faca weyn ee shabakadda warbaahinta Shabelle oo haatan gabagabo ku sii dhow ayaa waxaa caawa la guda geli wareega Sama-Final-ka oo ay isugu hareen illaa afar degmo oo dhammaan ka wada tirsan gobolkaan Banaadir. Degmooyinka Wadajir iyo Hodan ayaa caawa ku ballansan lugta ugu horreysa ee wareegan, waxaana degmada badisa ay fariisan doontaa Final-ka tartanka. Sidoo kale waxaa wareegaan ku jira Howlwadaag iyo Waabari oo habeen dambe isku beegmi doono, waxaana degmada badisa ay iska xaadirin doontaa wareega u dambeeya, iyadoo ku dhici doonta degmada soo baxda caawa Wadajir iyo Hodan. Illaa 16 degmo ayaa sanadkaan ka qeyb-galayey tartanka, iyadoona daaqada laga saaray 12 degmo oo ka kala tirsan gobollada Banaadir, Shabeelaha Dhexe iyo Sh/Hoose Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites