Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Afgooye oo war ka soo saaray dil ka dhacay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibraahim Qaasim Carab aya ka warbixiyey dil maanta ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaasim Carab ayaa sheegay in dilka oo ahaa mid qorsheysan loo geystay wade mooto Baajle ah oo ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in tiro dad ah oo lagu tuhmayo falkaasi toogashada ah gacanta lagu hayo, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeri ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Oke.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this