Sign in to follow this  
Deeq A.

Qiimo Koror Laga Dareemayo Suuqyada Qudaarta Ee Magaalada Jowhar.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qiimaha lagu kala iibsado qudaarta  nuucyadeeda kal duwan ee suuqyada  magaalada Jowhar  ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa  kac ku yimid sare u kac  ka dib markii  uu saameeyay daadadkii ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle  uu ka geystay deegaano hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Xiligaan oo kale waxa Beeraha jowhar kaso go,i jiray dalagyo kala duwan oo ay ku jirto qudaarta hayeeshee Roobkii gu’a iyo fatahaada wabiga oo is biirsaday ayaa sababay inay baaba,aan dalagyadii beernaa oo beeraleydu kaga faa’idi lahaayeen Bisha Ramadaann.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxa uu ka mid yahay kuwa ugu khayraadka badan marka loo eego wax soosaarka dalagyada ka baxa waxaa sanadiihi dambe soo wajahay caqabada badan ee uu ugu horeeyo wabiga shabeelle oo sanadaan waday xilli roobaabka uu ku fataho beeraha u dhawa wabiga iyo deegaanada ku teedsan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this