Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo saldhig cusub ku wareejiyey kuwa Jubaland iyo ujeedka ka dambeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saldhig cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhoobley ay ku wareejiyeen ciidamada maamulka Jubbaland.

Saldhigaan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa qalabeeyey, islamarkaana maalgeliyey dowladda Denmark, iyadoo muddooyinkii dambe uu fariisin u ahaa ciidanka Kenya.

Arrintaan ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha ay ciidamada AMISOM guud ahaan amniga dalka ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliyeed.

Brigadier Paul Njema oo madax uga ah taliska AMISOM, Sector two ayaa wareejiyey saldhigga, wuxuuna sheegay in  Dhoobley oo ka tirsan Jubbada Hoose ay noqotay magaalo weyn, islamarkaana loo baahan yahay  in la xoojiyo nabad-gelyadeeda.

Njema said: “We want to say, Dhobley continues to be secure, it has grown to a very big town and, of course, when towns grow they come with challenges.”

Saldhigga ay haatan la wareegtay Jubbaland ayaa la sheegay inuu wax badan ka tari doonto amniga gobolka oo ay weli deegaano ka heysato kooxda Al-Shabaab.

AMISOM oo la filayo inay guud ahaan dalka isaga baxdo marka la gaaro 2021-ka ayaa waxaa qorshaha ay Soomaaliya uga baxayso uu bilowday April sanadkii hore 2018-kii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this