Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Turkiga oo bandow guud lagu soo rogay maalmaha Ciidda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay in bandow guud maalmaha Ciidda Soonfur lagu soo rogay dhammaan gobollada dalkaasi laga bilaabo Sabtida soo socota si looga gaashaanto faafidda Xanuunka COVID-19.

Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay in bandowgaasi guud uu socon doono mudda afar maalmood ah oo laga bilaabo Sabtida soo socota islamarkaana ku eg maalinta Talaadada ah ee isla todobaadkaas si loo hakiyo isu-imaatinada dadweynaha ee maalmaha Ciidda Soonfur.

Mr Erdoğan ayaa dadweynaha Turkiga ugu baaqay in ay si buuxda ugu hoggaansamaan bandowga maalmaha Ciidda lagu soo rogay dalka  sidoo kalena ay dhaqan-geliyaan dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga xanuunka COVID-19 si looga feejignaado cudurkaas.

Balse madaxweyne Recep Erdoğan ayaa xusay in dadka da’doodu ka weyntahay 65-sannadood loo ogolyahay in ay socdaan lixda saacadood ee u horraysa maalinta ay kow tahay Ciidda oo sida uu sheegay bilaaban doonta Axadda todobaadka soo socda.

Sidoo kale Salaadaha Jimaacada ayuu sheegay in masaajidda lagu tukan karo Salaadda Duhur iyo tan Casar oo keliya mudada uu socdo bandowgaasi guud.

PUNTLAND POST

The post Dalka Turkiga oo bandow guud lagu soo rogay maalmaha Ciidda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this