Deeq A. Posted May 19, 2020 Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday agagaarka magaalooyinka Ceel-Waaq iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo. Inta la xaqiijiyey waxaa duqeymahaasi ku dhintay saddex ruux oo kala ahaa Hooyo iyo labo Caruur ah oo ay dhashay, halka qof kale oo rayid ah uu isna ku dhaawacmay, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Cows-Qurun oo 70 KM dhinaca koonfur ka xiga degmada Ceel-Waaq. Lama oga hebta diyaaradaha dagaal ee fuliyey weerarkaasi, balse inta badan diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo culus ka fuliya gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. Waa habeen labaad oo xiriir ah oo duqeymo laga fulinayo deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaa kuwa ku dhow-dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites