Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyey gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay waxaa ay howlgal gaar ahaa ka fuliyeen Guri ku yaalla deegaanka Wargalo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa wax ay sheegeen in ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay galeen Guriga, isla markaana ay is rasaaseyn kooban dhex-martay ciidamada dowladda iyo nin hubeysan oo ku sugnaa hoygaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana saraakiishu aysan weli wax faah faahin ah ka bixin u jeedka howlgalka looga fuliyey Gurigaas iyo waxa uu ahaa ninka dagaalamay ee ku sugnaa.

Ciidamada dowladda ee ku sagan deegaanada Galmudug ayaa dhowr jeer waxa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Camaara, waxaana jiray dagaal ay la galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xoogan halkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this