Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyey maxaabiis fara badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dambiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Cafiska loogu fidiyay Maxaabiista.

Markaan Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan Arkay: soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha ay Khuseyso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this