Sign in to follow this  
Deeq A.

Waabari oo u guddubtay wareega afar dhamaadka tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Demada Waabari ayaa xalay guul weyn u soo hoysay gobolka Banaadir, kadib markii ay ka adkaatay dhiggeeda degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Waabari oo u gudbtay wareega afar dhamaadka ayaa keensatay 8 dhibcood, halka Marka ay la timid 2 buundo oo kaliya, sida uu shaaciyey Xasan Weli Sheekh Abuubakar.

Dhinaca kale waxaa caawa la guda-geli doonaa wareega Sama-Finalka ee tartanka oo ay isugu soo hareen illaa afar degmo oo kala ah Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Waabari, waxaana lugta ugu horreysa ku ballansan Wadajir iyo Hoodan ee gobolka Banaadir.

Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this