Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Qaadka KENYA Oo Sheegay Gobolka Meru Inuu Galay Faqri Aad U Xun Ah Markii La Joojiyay Qaadkii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka iyadoo lagaga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada dalka Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya.

Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeedhay inay xayiraada ka qaado qaadka.

Ganacsatada oo farriin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xooggan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this