Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo dil ka geystay Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Dilka askariga ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo si gaadmo ah ku toogtay marxuumka.

Ilo lagu kalsoonyahay oo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in kooxda dilka fulisay ay si aayar ah goobta uga baxsatay dhacdada kadib.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban sameeyey, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashadaasi.

Ammaanka Afgooye ayaa muddooyinkii u dambeeyey faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay ka fulinayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dilkii u dambeeyey ayaa waxaa loo geystay Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ahaa guddoomiyihii ciyaaraha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this