Deeq A. Posted May 18, 2020 Taliyaha Ciidamada Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi Saraakiil ciidan oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Wafdiga Saraakiisha ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage waxaa ka mid ah Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Gen. Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame. Mudada uu taliyaha ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb wuxuu kormeer ku sameyn doonaa xeryaha Ciidamada oo ay ku xeraysan yihiin cutubyo ciidamo ah oo loo carbiyay Howlgalo la filayo in dhowaan laga bilaabo Degaannada Al-shabaab ka joogto Galmudug. PUNTLAND POST The post Taliyaha Militariga Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites