Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey 365 Maxbuus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne  Cafis Guud ugu  fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan Xuska Maalinta 18-ka May darteed.

Sidaasna waxa uu madaxweynuhu ku sheegay wareegto Madaxweyne oo uu caawa soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna oo u qorneyd sidan:-

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

“Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey:Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan Arkay:Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;

Markaan La-tashaday:Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this