Deeq A. Posted May 18, 2020 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu caawa markale wareegto uu soo saaray wuxuu cafis guud ugu fidiyey tiro maxaabiis ah kuwaas oo ku jiray deegaannada Somaliland oo ku eedeysan dambiyada fudud , iyadoo laga abo qaadayo Xuska Maalinta 18-ka May Owgeed. Wareegto kooban oo ka soo baxday Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu xusay in madaxweynaha uu maanta laga bilaabo uu cafis siiyey 365 Maxbuus oo dembiyada fudud ku xukunaa oo xabsiyada deegaannada Somaliland ku jiray muddooyinkii la soo dhaafay sida lagu sheegay wareegtada. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites