Deeq A. Posted May 18, 2020 Marka hore waan salamaayaa dhamaanba warbaahinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba waxaan idinku salamaaya salaanta islaamka ASC WR WBR. Salaan ka dib maqaalkaygan maanta oo aan ugu magac daray “Bulsho dalkeedii ku dulman” oo aan uga jeedo bulshada Somaliland, waxaa igu kalifay inaan qoro markaan eegay ama aan darsay xaaladda adag ee dalku marayo iyo dayaca iyo damanaanta isu raacday bulshadii rayidka ahayd. Waxaan aad ula yaabay iyadoo dhan walba ay ka dayacan tahay bulshadani, oo aanay haysan baahiyihii aasaasiga ahaa ee dawladi fulin lahayd oo ay kow ka tahay, 1. Caafimaadka 2. Waxbarashada 3.Biyo nadiif ah 3.Laydh dawladeed, 4. Amni buuxa inagoo ogsoon in ay jiraan ragg la yidhaahdo gaadh “Guard” oo habeenkii guryaha ilaaliya bishiina ku lacag qaata, raggaas oo haddii lacagtaa la siin waayana iyagu khalkhal galiya xaafada siin wayda oo habeenkii shiida ama u soo dhaca. Waxaa sii dheer inagoo og xaalada caafimaad ee wadanka iyo inaan wax dhakhtar lagu sheegaa aanay joogin habayaraatee, ragg usoo boob tagay marka laga reebo oo markay qofka shilinka ugu dambeeya ka qaadaana yidhaahda waxba uma qaban karee meelahaa geeya islamarkaana aad cid la xisaabtamaysa iyo cid dabagalaysa oo hubinaysa inay dhakhaatiir yihiina aanay jirin. Inagoo og xaalada nadaafadeed ee magaalooyinka dalka haba ugu sii daraato magaalada hargeysiye, ayaa waxaa magaalada saacad walba dhex wareegaya gaadhi dawladeed oo wacyi galin caafimaad ah oo ay ka baxayso afka daboosha, gacmahana maydha, kala durkana, balse waxaad arkaysaa inaanay ka run sheegayn waxay ku hadlayaan, waayo gaadhigu wuxuu soo marayaa wadooyin ay qaarkood bakhti xayawaan yaalaan, kudaafado ah, hadana wuxuu ka hadlayaa faraxasha balse ka dawlad ahaan isma waydiinayaan magaalooyinka olole nadaafadeed halaga fuliyo oo dadka xashiishka iyo bakhtiga halaga fogeeyo. Waxaan arkay maalin dhawayd “ey” xaafado dhexdood ku bakhtiyay, waxaa taagnaa xaafada gaadhi xashiish dumar lacag ka urursanayay lehna waxaan qaadayaa xashiishka yar ee dumarku iska soo xaadhaan, hase yeeshee nin baa ku yidhi war eygaa bakhtigaa hore nooga sii qaad, wuxuu ugu jawaabay lacagtiisa ma adigaa bixinaya? ninkiina wuxuu ku afceliyay dee mayee waa eygaa wadada iyo xaafadaha dhexdooda ku bakhtiyaye miyaanad dawlad ahayn inaga qaad, wuxuu ku yidhi adeer waxaasi ma shaqaysee lacagtiisa hadaad bixinayso waan qaadayaa haddii kale adigu iska soco, waxaa lays yidhi siiya lacagta ha qaadee balse orom aan wadankaba u dhalan oo xaafada deganaa ayaa yidhi iska daaya anigaa caawa qaadayee sidii ayaanu kaga tagay isagoo eygiina halkii yaala. Waxaan la yaabay iyadoo madaxwaynaha dalku ku cel celinayo masaajidada culimadu maxay ka damacday oo ay dadka uga xidhi la’dahay waxa uu madaxwaynuhu iyadoo horena loogaga ashkatooday dawladaha hoose uu wax uga qaban waayay ee masaajidada iyo goobaha cibaadada ee nadiifta ah ku saliday. Waxaan aad ula yaabanahay daryeel la’aanta iyo liidashada bulsho ee dalkan isu raacday, ilaahaybase u maqane waxa halkaa dhigay waxa weeye qabyaalad iyo iyadoo haddii kii xumaa layska qaban lahaa midkale oo aan waxbaba ku qabini garab soo siinayo oo goodiyayo. Waxaa taa ka sii daran madaxdii dalkan loo daba fadhiyay oo dadkoodii oo saboola arkaya oo cashuurtii ka qaadaya oo waliba ku dalacaya, hadana mashaariicdii dalka oo dhan wax kastaba ha noqotee iyagu gacanta ku haya oo wax lagu qabto aynaan garanayn hadana marwalba ku hadaaqaysa dadku ha iscaawiyaan oo qaadhaan ha guraan iyadoo waliba qaadhaanka la gurana meel ay ku baxdo aan la arag iyaguna guddi ka yihiin marwalba. Waxaan maqaalkaygan ku soo afjarayaa war bal dib isugu noqda oo dhan walba wax ka eega. Madaxwaynahana waxaan u soo jeedin lahaa madaxwayne olole nadaafadeed oo magaalooyinka oo dhan ah ayaa ka horaysa in masaajidada la xidho, wadooyinka oo layska nadiifiyo iyo kudaafadaha dooxyada ayaa ka horaysa ee bal horta kuwaa wax ka qabo. Waxaad moodaa in laysku maaweelinayo oo dadka masaakiinta ah layskaga jeedinayo hadal badan oo bilaa naxwe ah oo aan ficil lahayn ee ama dalka iyo dadka wax haloo qabto ama halayska aamus. Abdiaziz Mohamed Mohamoud Qaran News Share this post Link to post Share on other sites