Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe iyo wakiilada beesha caalamka oo shiray iyo DF oo qaadacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada USA, UK, Norway, Sweden, Germany Kenya, Itoobiya, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa faafida cudurka Coronavirus oo kiisas kala duwan laga helay Jubaland qaar kamid ahna ay u dhinteen.

Waxaa sidoo kale looga hadlayay kulankan arrimaha amaanka iyo doorashooyinka heer federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay waqtigooda ugu dhici lahayeen si nabad-galyo ah oo xor iyo xalaal ah.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday inay ka qeyb-gasho shirkaas maadaama aysan aqoonsaneyn madaxtinimada Axmed Madoobe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa horey uga qeyb-galay shirar noocan ah oo madaxda Puntland iyo HirShabelle ay la yeesheen beesha caalamka, balse ka baaqsaday midkan, kana cudur daartay, sida aan xogta ku helnay.

98445937_1884834038317193_85987551491559 97781925_1884834084983855_13020118625393 98190913_1884834091650521_81833546224804

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this