Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay xanuunka laga helay  34 qofood.

Sidoo kale wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in hal qof uu u geeriyooday xanuunka, halka 11 kale ay kasoo bogsadeen, waxayna tirada dadka ka bogsaday gaartay 163.

Kiisaska ugu badan ayaa maanta laga diiwaan geliyay deegaanada Somaliland oo laga helay 18 xaaladood, halka gobolka Banaadir laga helay 14-kiis iyo Hirshabelle oo laga helay laba kiis oo Coronavirus ah.

Dadka maanta laga helay cudurkaas 21 kamid ah waa rag, halka 13-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 xaaladood, dhimashada guud ee uu sababay xanuunka Corona ayaa gaartay 57 qofood, inta la ogyahay, halka 163 qofood oo kale ay kasoo bogsadeen.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka feyruska Corona si looga guuleyso cudurkan saf-marka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this