Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo dad lagu soo qab-qabtay oo laga sameeyey Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ballaraan oo maanta ciidanka amniga ay ka sameeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo sidoo kale ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysay howlgallada ayaa sheegay in haatan baaritaano dheeraad ah lagu hayo dadka gacanta lagu soo dhigay.

Shalay ayey aheyd markii weerar is-miidaamin ahaa oo lagu dilay guddoomiyihii Mudug ee Puntland uu ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this