Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo war ka soo saartay qarixii Is-miidaaminta ee Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Qatar ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaiyeed uga tacsiyadeysay dadkii ku dhintay weerarkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay guddoomiyhii gobolka Mudug ee Puntland.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu cambaareeyey qaraxaas, waxaana lagu sheegay in dowladda Qatar ay aad uga xun tahay sidoo kalena ay ka soo hor jeedo fal kasta oo abuuri kara colaad iyo mid argagixiso.

Wakaalladda wararka Qatar ee Qatar News Agency “QNA” oo baahisay warkaan ayaa sheegtay in ay uga tacsiyadeynayaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda falkaas, islamarkaana ay garab taagan yihiin.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kaas oo ay ku dhinteen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo ilaalo u aheyd.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this