Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee Africom ayaa sheegay inay duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 17-kii May.

Qoraal kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Africm waxay sidoo kale sheegtay in illaa iyo hadda ay qiimeysay in duqeyntaas aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman dad shacab ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay duqeyntan, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay ay ku sheegtay in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada kumandooska Soomaaliya iyo taliska Africom.

Duqeyntan ayaa ahaa tii ugu horreysay ee Africom ay xaqiijiyaan inay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, sidii ay u billaabatay bisha barakeysan ee Ramadan.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this