Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland iyo Beesha Caalamka oo ka wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo abaabushay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan.

Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka COVID-19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland qaar kamid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

PUNTLAND POST

The post Jubaland iyo Beesha Caalamka oo ka wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this