Deeq A. Posted May 18, 2020 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey sanad guurada 18-ka May oo ah markii ay Somaliland shaacisay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa sheegay in aysan waxba la wadaagi doonin dowladda federaalka oo ay haatan si weyn isku hayaan. Muuse Biixi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan deeqaha ay beesha calamka ku caawineyso, balse wuxuu tilmaamay in aysan aqbali doonin in loo soo marsiiyo Soomaaliya. Sidoo kal waxa uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo garab is-taag iyo gargaarba la dooneysa ay Somaliland si toos ah ula xiriireyso. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo afar sano ah hakad ku jira, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wax wada-xaajood ah aysa la geli doonin dowladda Soomaaliya inta ay Somaliland ugu yeereyso magaca gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasina ay tahay xaqiraad, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay kula macamiil-tami karaan oo kaliya hal shardi, kaas oo ah inay u wada-hadlaan sidii labo dal oo daris ah. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Codka-Madaxweynaha-Soomaaliland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites