Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah faahin ka bixisay duqeyn ka dhacay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa taliska Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga deegaanka Kuunyo Barrow, iyadoona lagu khaarijiyey 2 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale howlgalkaan ayaa ka qeyb ka aha qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadida dagaalka looga soo horjeedo Ururka Al-Shabaab oo dagaal adag kula jira dowladda iyo saaxiibada taageera.

War saxaafadeed ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ay si aad uga taxadareen waxyeello dadka rayidka ka soo gaarta weerarkaasi dhanka cirka ah.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta oo is-kaashanaya yaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee K/ Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this