Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmooyin ka kala tirsan Banaadir iyo Sh/Hoose oo ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan isaga hor imaadn doono degmooyinka Wabari iyo Marka oo sanadkaan qeyb ka ah tartanka Shabelle

Labada degmo ayaa sidoo kale kala matali doono gobollada dariska ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Degmada badisa Waabari iyo Marka ayaa iska xaadirin doonto wareega afar dhamaadka, iyada oo ay halkaas ku sii sugeyso degmada Howadaag ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale degmada laga adkaada ayaa guud ahaan isaga hari doonto sanadkaan tartan aqooneeda faca weyn ee shabakkada warbaahinta Shabelle

 

Taaba-gelinta sanadkaan tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this