Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha-HAYAAN.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN Pro. Abdihabiib Yasin

Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN Pro. Abdihabiib Yasin Warsame ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo shalay ku dhintay qarax ismiidaamin ah kaas oo lagula eegtay magaalada Gaalkacyo.

Inaa lilaahi waa inaa ilaahi raajucuun. Marka hore waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta badneyd oo lagu diley Gudoomiyihii gobolka Mudug Axmed Muse Nuur. Waxaan leeyahay qoyskii, eheladii iyo guud ahaan gobolka Mudug allah samir iyo iimaan ha idin ka siiyo.

Guddoomiye Pro. Abdihabiib Yasin ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo in ay u midoobaan kooxaha dilalka qorshaysan la beegsada mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qiimaha ku dhexleh bulshada.

Waxaan farayaa shacabka Mudug, gaarahaan shacabka degmadda Galkacyo in ay u madoobaan cadowga dilalka qorsheysan la beegsada madaxdooda iyo dadka bulshada ugu qaymaha badan.” Ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN.

Sidoo kale dowladda Puntland ayuu ugu baaqay  in ay  tallaabo deg-deg ah ka qaaddo ciddii ka danbaysay dilka Gudoomiyihii gobolka Mudug iyo mas’uuliyiintii ka horreeyay ee la dilay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Xisbiga HAYAAN oo ka tacsiyeeyay geerida guddoomiyihii gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this