Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo qalab caafimaad gaarsiisay magaalada Buuhoodle + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Wasiirka Bidhaan oo garoonka diyaaradaha  magaalada Buuhoodle kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay halkaasi u tageen in qiimeyn ay ku sameeyaan xaaladaha Caafimaadka deegaanka iyo iyo Arrimo kale.

Maamulka iyo qeybo ka mid ah bulshada ayaan kusoo dhaweeyay wasiirka iyo wafdigiisa markii ay gareen halkaasi.

Wasiirka kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka amba baxay garoonka Aadan cade ee magaalada Muqdisho waxaana ay geeyeen agab Caafimaadka oo looga hortaga Cudurka Safmareenka ah ee Covid-19.

Dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka oo dhan kawada howlaha lagu xakameynayo cudurkaan caalamka afeeyay ee Karoona waxaana ay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolada dalka ay gaarsiiyay agabyo caafimaad oo ay qeyb ka yihiin kuwa lagula tacaalo bukaanada qaba caabuqa iyo kuwa looga hortago.

1-8-1.jpg2-8-1.jpg3-5-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this