Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Shabaab ahaa oo hal goob lagu dilay, kadib weerar duqeyn ah oo lagu qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal dhinaca cirka ah oo ay iska kaashadeen taliska Africom iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya, kaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Kuunyo-Barow.

Lama shaacin magacyada xubnaha la dilay iyo waxa ay u qaabilsanaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay kuwo lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab oo weli ko xoogan koonfurta iyo bartamaha dalka.

“Dowladda federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.: ayaa lagu yiri qoraaka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka ah cirka ah ee la sheegay in khasaaraha lagu gaarsiiyey.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaqaaqyqada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this