Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo soo bandhigay qorshe aan wada-hadal ahayn oo Somaliland Soomaaliya ku kala bixi karaan!

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta khudbad ka jeediyay sannad-guurada 18-May oo ku beegan 1991-dii markii maamulkaasi ku dhawaaqay goonni-goosadka, ayaa mar kale ka hadlay mowqifka Somaliland ee ku aaddan wada-xaajoodka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in haddii la doonayo wada-hadal dhab ah oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, ay marka hore shardi tahay in sidii laba dowladood oo deris ah loo wada hadlo.

Balse, wuxuu sheegay in Somaliland aysan wax wada-xaajood ah la geli doonin dowladda Soomaaliya, inta mas’uuliyiinta Xamar joogta ay Somaliland ugu yeerayaan magaca “gobollada waqooyi ee Soomaaliya” taasina ay tahay xaqiraad sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wada-hadalka labada dhinac ka hor, ay tahay in laga heshiiyo Ajandaha laga wada-hadli doono, isagoo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsantahay in kala go’ oo keliya laga wada-hadlo.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dhinaca kale soo jeediyay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay maxkamad caalamiya isla tagaan, haddii wada-hadalka lagu heshiin waayo, si ay u kala saarto.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Biixi oo soo bandhigay qorshe aan wada-hadal ahayn oo Somaliland Soomaaliya ku kala bixi karaan! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this