Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada HirShabelle oo ka shiray xaaladda Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Beledweyne kulan gaar ah kula qaatay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaana ay ka wada hadleen xaaladda adag ee magaaladaasi, gaar ahaan fatahaada webiga Shabelle.

Kulakaan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray sida ay muhiimka u tahay hirgelinta barnaamijka xalka waara ee Beledweyne looga leexinayo biyaha mar-welibo ku fataha.

Waare iyo golihiisa wasiirada ayaa waxa ay qorsheeyeen in dhowaan la fuliyo mashaariic wax-gal ah oo looga hortaago fatahaada webiga Shabelle iyo dhisida garoonka diyaaradaha magaaladaasi ee Ugaas Khaliif oo haatan u baahan dib u dhis ballaaran.

 

Ugu dambeyn Maxamed Cabdi Waare ayaa ka dalbaday xubnaha golihiisa wasiirada HirShabele inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan bulshada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this