Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo khafiifisay go’aamadii ay horey u soo saartay ee Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Covid-19 ee Puntland ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta oo ay ku beegan tahay 18-ka May 2020-ka, la khafiifiyey go’aamadii bandowga ee uu horey u soo saaray guddigu, sida isu socodka dadka, xarumaha ganacsiga iyo keenista Qaadka.

Dadka qaadka ka ganacsada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee wax kala iibsanaysa wuxuu guddigu faray inay u hoggaansamaan oo ay illaaliyaan tallooyinka caafimaadka, sida nadaafada, Af-xirka, gacmo-gashiga iyo isu jirsiga masaafo marka wax la kala iibsanayo.

“Guddiga ayaa arrintan dib u fiirin doona ciida kadib, inshallah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga ka hortaga Covid-19 ee maamulkaasi

Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sameeyey cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this