Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Shabelle: Hodan oo ka adkaatay Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Hodan ayaa xalay u gudubtay wareega Sama-Finalka tartan aqooneedka Shabelle, kadib markii ay ka adkaatay degmada Warta Nabadda ee G/Banaadir

Labada degmo oo ka soo kala baxay group-yada C iyo D ee wareegii koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa muujiyey dadaal iyo fir-fircooni, hayeeshee waxay guushu raacday tartamayaasha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Hodan ayaa la timid 10 dhibcood, halka 8 buundo ay iyana keensatay degmada Warta Nabadda oo laga guuleystay, waxaana sidaasi ay uga hartay guud ahaan tartanka.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this