Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni:  Waxaa Socdo Arrimo La Wiiqayo Dowladnimada iyo Horumarka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland  Cabdullhi Deni oo ka hadlayey arrimaha amniga ayaa sheegay in ay jiraan arrimo lagu wiiqayo Puntland isaga oo yiri “Arrimo badan oo ishuwan oo siyaasadeed oo lagu wiiqayo dowladnimada iyo horumarka ay Puntland gaartay maalmaha soo socda ayaan ka hadli doonnaa

Dhanka kale, waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale la wiiqayo federalismka “Dalka marxalad cusub ayuu galay oo la rabo dadaalka federalism-ka iyo dowlad dhiska, la rabo in wiiqayo kala dambeynta, la rabo in qof walba sharciga gacanta ku qaato, degmo walbo iyo magaalo walbo wax loo akhriyo.

Ugu dambeyntii, waxaa uu soojeediyey in Puntland isku tashato “Waxa laga helaayo waa wax sheydaan falkiyey, wax wanaag ah kuma jiraan, hadal siyaasadeed oo laga dhex heli karo iima muuqdaan, dowladnimadu iyo siyaasaddu waa inaad bulshadaada u shaqeyso, ma aha inaad caado qaate noqotid, dano yar oo macno laheyn aad waqtigaaga ku lumiso, dowladnimu waa inaad dadkaaga u shaqeyso, fahamka qaldan ee dowladnimo waa in Puntland dib u fiiriyaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this