Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo iyo weji kala duwan leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mar kale xalay ka tacsiyeeyay Geerida Guddoomiyihii gobolka Mudug AUN Axmed Muuse Nuur oo shalay qarax ismiidaamin ah lagu dilay ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo kala duwan leh.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in mudda laba bilood gudahood ah la dilay Guddoomiyaashii Mudug iyo Nugaal taasina muujinayso in weerar hadafyo iyo wejiyo kala duwan leh uu ku socdo Puntland balse gacan bir ah lagala hor-tegi doono kuwa falalkaasi ka shaqaynaya.

Madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo dilalka Guddoomiyaashii Gobollada Mudug iyo Nugaal iyo sidoo kale fal kasta oo lagu dhibaateynayo mas’uuliyiinta Puntland.

Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay in ay dad kala duwan u hayaan dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) islamarkaana ay dhowaan sharciga sharciga marin doonaan isagoo xusay in goob fagaare ah lagu toogan doono.

Sidoo kale dilkii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayuu sheegay in lagu wado baaritaan cid kasta oo ku lug yeelatana sharciga la hor-geyn doono si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo sheegay in Puntland lagu soo qaaday weerar hadafyo iyo weji kala duwan leh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this