Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni: Beesha Caalamku waa na hafrayaan ma jiro Amni ay nagala shaqeeyaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlay Taageerada dhanka Amniga ah ee Beesha Caalamku siiyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Taageeradaas aysan waxba ka soo gaarin Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dalalka ku bahoobay Beesha Caalamka, aysan Puntland wax taageero ah ku siin dhinaca Amniga, islamarkaana marar badan ay Puntland taageero ka dalbatay, balse ka wayday Dalabkaas.

Waxaan runtii  aad uga xumay,  international community-ga ee marar badan hafra in ay Amniga Soomaaliya ka shaqeeyaan, waxaan u sheegaya in Puntland aysan wax Amnigeeda ah ka shaqayn” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Beesha Caalamku aysan diyaar u ahayn, in ay Puntand ka taageeraan Arrimaha Amniga iyo Dhismaha Ciidamada kala duwan, si lo helo Ciidamo ku filan Nabadgelyada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay Soomaaliya la doonayaan isbeddel qalliban, oo ku dhisan in la burburiyo Nidaamyadii horay u jiray, kadibna kor wax laga soo dhiso, isagoo xusay in taasi aysan ka turjumayn Nidaamka Federaalka.

Mudane Deni, ayaa sidoo kale ku baaqay in dadka Reer Puntland ay isku tashadaan, oo aysan waxba ka sugin Beesha Caalamka iyo cid kale toona.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Deni: Beesha Caalamku waa na hafrayaan ma jiro Amni ay nagala shaqeeyaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this