Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hay’adaha amniga oo ka digay dad qaraxyo isku soo xiray oo la sheegay in ay soo galeen Muqdidsho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya digniino ay soo saareen mas’uuliyiinta ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lala wadaagay ciidamada amniga iyo shaqsiyaad muhiim ah oo ku jira dowladda Somalia.

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in la tuhunsan yahay in magaalada Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 5 qof oo lagu soo xiray waxyaabaha qaraxa, kuwaas oo damacsan iney galaan xarumaha dowladda iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegaysa in hoteellada Muqdisho qaarkood oo aan bandowga saameyn ku yeelan loo sheegay iney muujinayaan feejignaan dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay badaleen qorshihii qaraxyada kadib markii ay gaadiid soo gelin waayeen Muqdisho, islamarkaana ay billaabeen in shaqsiyaad ay qaraxyo ku soo xiraan.

Al-Shabaab ayaa hore isku qarxiyay maqaayad ay dad shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka Sayidka, waxayna Qaraxaas u adeegsadeen qof ismiidaamiyay, arintaas ayaa abuurtay walaac iyo wal wal cusub.

Muqdisho ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ka xasilooneed qaraxyada iyo weerarada tooska ah markii laga reebo weerarada hoobiye ah iyo dilalka qorsheysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this