Deeq A. Posted May 17, 2020 Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax maanta galinkii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lala eegtay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Gaarigii guddoomiyaha Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, xili uu Guddoomiyihu ka baxay xafiiskiisa, waxaana loo adeegsaday gaari Nooha ah (Toyota Noah minivan), kaas oo ku dhacay gaariga Guddoomiyaha. Qaraxa waxaa ku dhintay dadku ku dhow 10 qof oo ku jiro guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur iyo 3 askari oo kamid ahaa ilaaladiisa. Bajaaj ay saarnaayeen dad rayid ah Dad rayid ah ayaa qaraxa ku dhintay waxaana kamid ah sida ay goobjoogayaal u sheegeen Puntland Post, 2 haween ah oo saarkaa Mooto Bajaab maraysay wadada, kuwaas oo hilbahoodii googo’een, halka wadihii Bajaajbta uu soo gaaray dhaawac culus. Sidoo kale dad rayid ah oo marayey hareerara wadada weyn ee bartaha Gaalkacyo oo ahayd meeshii qaraxu ka dhacay ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaraxaas, inkastoo oo aan tirakoobkood rasmiga ah aan la ahayn. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddaa qaraxa, waxaana warar lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur. Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug ayaa cambaareeyey qaraxa lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo dadka rayidka ah. PUNTLAND POST The post Dad rayid ah oo ku dhintay qaraxii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites