Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamullada qaar ee degmooyinka oo raalli-gelin siiyey Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ee ka qeyb-galaya tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo soo booqday shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa raalli-gelin iyo cudur-daar ka bixiyey kala qeybsanaan ku timid tartanka waxayna dalbadeen in dib loogu soo celiyo barnaamijka, si ay markale u tartamaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku hdlayey afka maamullada degmooyinkaasi ayaa sheegay inay iyagu xal ka gaareen kala aragti duwanaan ka dhex-jirtay tartamayaasha Wadajir, Waabari, Xamarweyne iyo Kaxda.

Dhankiisa Aweys Xaaji Nuur oo ka mid ah maamulka Shabelle ayaa xusay inay aqbaleen cudur-daarka degmooyinkaasi, islamarkaana caawa loogu celinayo tartanka.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/War-safa-RAALI-GALIN-TARTANKA-DEGMOOYINK.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this