Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo si kulul u cambaareysay weerarkii magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayey magaca dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareeyey qarixii is-miidaaminta ee ka dhacay waqooyiga magalada Gaalkacyo oo lagu dilay guddoomiyihi gobolka Mudug, Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur.

Maareeye ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xuntahay falkaasi lagu dilay guddoomiyaha iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Puntland iyo sidoo kale ehellada marxuumka, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Firdowso.

“Innaa lilaahi wa inaa ileyhi Raajincuun dhammaan intii ku dhimatay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaan leenahay Alle Janadiisu Firdowso ha idinku abaalmariyo gacan idinka xaq-daran ayaa idin dishay, sidoo kale dowladda Soomaaliya af-adag ayey ku cambaareyneysaa falkaasi arxan darada. “ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Axmed Muuse Nuur ayaa xilliga uu dhacayey qaraxa ka soo baxay shir amniga looga hadlayey oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this