Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray qarixii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa looga hadlay weerarkii is-miidaamiinta ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug.

Siciid Deni ayaa si adag u cambaareyey qaraxaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulkaasi, Axmed Muuse Nuur iyo saddex askari oo ilaalo u aheyd.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Xukuumadda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulul u cambaaraynayaa falkaasi lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this