Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay qarixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay qarax xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Puntland.

Qoraalka ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaasi oo ahaa is-miidaamin ah ay iyagu fuliyeen, islamarkaana ay la eegteen kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku dhintay Allaha u naxariistee guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo sidoo kale saddex askari oo ilaalo u aheyd.

Waa guddoomiyihii labaad ee gobol oo qarax looga dilay Puntland, iyadoo weerar ka dhacay magaalada Garoowe lagu dilay dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gu’jir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this