Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo sheegatay inay dishay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay ka hortageen weerar xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan nabad sugida Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqani ee gobolka J/Hoose.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa shaaciyey in dagaalkaasi ay ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kana furteen hub iyo rasaas badan, sida ay hadalka u dhigeen.

“Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka/” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah ciidanka Jubbaland, kuwaas oo lagu daaweeynayo saldhigga AMISOM ee Bilis Qooqani.

Ugu dambgeyn wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Danjire Francisco Medara ayaa ku amaanay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM sida ay uga jawaabeen weerarka Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this