Sign in to follow this  
Deeq A.

Hodan iyo Warta Nabadda oo caawa ku tartamaya Idaacadda Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmooyinka Hodan iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa ku baratami doono tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Labada degmo ayaa ka soo kala baxay group-yada C iyo D, wareega koowaad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale Hodan iyo Warta Nabadda degmada badisa ayaa caawa u gudbi doonto wareega afar dhamaadka ee tartanka.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa wada diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ka qeybgalka barnaamijka caawa, iyadoo degmada laga badiyo ay isaga hari doonto tartanka .

Degmooyinka Xamarweyne iyo Howlwadaag ayaa horay isaga sii xaadiriyey wareega sama-finalka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka shabakadda warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University oo ku taalla magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this