Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qaraxa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee meelaha fog-fog laga hago ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay agagaarka isbitaalka Digfeer.

Guddoomiyaha degmada Hodan oo u warramay Idaacadda Shabelle, Cabdixakiin Dhagjuun ayaa sheegay in qaraxaasi aysan wax waxyeelo ah ka soo gaarin ciidamada lala eegtay, balse wuxuu xaqiijiyeyay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo meesha marayey.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga, islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeraad ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/05/Cod-tuki-gudoomiyaha-dagmada-hodan-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this