Sign in to follow this  
Deeq A.

Dahabshiil Group Oo Ku Deeqday Qalab Isugu Jira Mishiinada lagu Baadho Cudurka Covid 19, Mashiinada Oxygen-ka Iyo Gaadiidka Gurmadka Deg-dega Ah Ee Ambulance-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ugu deeqday $800,000 Guddida Heer Qaran ee Ka Hortaga Covid19 ee Somaliland. Deeqddaa oo isugu Jirta:

1- Qalab Caafimaad oo qiime ahaan ku kacaya $600.000 (Lix Boqol oo kun oo Doollar) kana Kooban:-

  • )Saddex Gaadhi oo Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ah ee loo yaqaan (Ambulance) oo qolabkoodu u dhameystiranyahay.
  • Mishiinada Shaybaadhka Xanuunka Covidh19
  • Laba Mishiin oo kuwa waaweyn ee dhaliya Oxygen ta ah
  • Mashiinada Naqaska dadka kasoo saara (Ventilotors)

2- Lacag $200.000 (Laba Boqol oo kun oo Doollar) oo loogu talo galay in la siiyo 4,000 oo qoys oo reer Somaliland.

Waxaanay shirkadu ballan qaaday inaanay noqon doonin tii u danbaysay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this