Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Tel Aviv (Caasimadda Online) Warbaahinta wadanka Israa’iil ayaa warineysa in gurigiisa laga helay isagoo meyd ah Safiirak Shiinaha u fadhiya magaalada Tel Aviv, mana jirto sabab la ogyahay oo ka dambeysa dhimashadiisa.

Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii safiirkaan la magacaabay, wuxuuna kasoo shaqaayey wadanka Ukraine ka hor inta aan la keenin wadanka Israel.

Mr. Du Wei oo da’diisa lagu sheegay 58-jir ayaa meydkiisa laga helay sariirtiisa iyadoo booliiska ay durba bilaabeen baaritaanno arrintaan la xiriira, waxaana jirta in ilo wareedyo caafimaad ay mid ka mid ah talafashinada Isreal u sheegeen inuu masuulkaan geeriyooday isagoo hurda.

Shaki badan ayey dhalin kartaa dhimashadiisa maadaama la ogyahay inuu si cad u dhaleeceeyay wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo wadanka Shiinaha ku weeraray qaabka ay ula tacaaleen fayris-ka dunida dhibaateeyay ee Corona

Safaaradda uu masuulka ka ahaa Mr. Du Wei ayaa dhaleeceysay hadalka kasoo yeeray Mike, waxaana lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this