Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta gobolka, islamarkaana uu ku geeriyooday guddoomiyihii Mudug ee Puntland, Axmed Muuse Nuur.

Sidoo kale waxaa ku dhintay qaraxa saddex askari oo ilaalo u aheyd guddoomiyaha, iyadoona ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this